Maamulka deegaanka Baladul Amiin ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay ku guuleysteen Xirista meelihii wabiga Shabellaha uga soo fatahay deegaankaasi.
Gudoomiyaha deegaankaasi Xaaji Cali Macalin Axmed oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ku dadaaleen arintaasi, iyaga oo kaashanaya mid ka mid ah Hay’adaha gobalkaasi ka howlgala.
Waxa uu tilmaamay gudoomiyaha in loo keenay Jawaano badan, islamarkaana ay ka buuxiyeen ciid (Caro) badan, ayna dhigeen meelihii biyaha kasoo fatahayeen.




From the comments