Magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose waxaa shalay iyo maalintii ka horeysay ka dhacay dagaal u dhaxeeyay beello wada degan gobalkaasi.
Dagaalkaasi ayaa intii uu socday waxa uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, iyadoo maanta xaaladda ay tahay mid aad u degan.
Wararka ayaa tilmaamaya in la kala dhex galay dhinacyadii ku dagaallamay magaalada Marka, waxaana socota waan waan dagaallada lagu joojinayo.




From the comments