Wararka naga soo gaaraya dekadda Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari ayaa sheegaya in halkaasi ay soo gaartay Doon ay saaranyihiin in ka badan 2-kun oo ruux kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen.
Sheekh Yuusuf Axmed Daad oo ah gudoomiyaha gurmadka Qaxootiga kasoo cararaya Yemen ee deegaanada Puntland ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in doonidaan ay saaran yihiin dad ka badan 2-kun.
Dadkaan ayaa ah Soomaali muddo badan ku dhibanaa dalkaasi, waxaana wararka ay tilmaamayaan in weli dejinta dadkaan aysan bilaaban.




From the comments