Malaaq Cali Malaaq Maxamed oo Lagu Duubay Deegaanka Ceel Cadde
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2015/05/IMG_5067.jpg)
Maanta oo khamiis ah 28-5-2015 waxaa deegaanaka Ceel Cadde, gaar ahaan Mowlaca Dharkaynta ee Sheikh Cali Cabdulle ka dhacday munaasabad balaaran oo lagu duubay Malaaqa cusub ee beesha Mataan Cabdulle.
Xaflada malaaq duubista ayaa waxaa ka soo qeyb galay salaadiin, Isimo, Ugaasyo, Waxgarad, Aqoon yahano, siyaasiyiin, madax ka tirsan labada gole ee dowladda ,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada
Malaaqa maanta la duubay oo lagu magacaabo Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Weheliye oo ku dhashay deegaanka Cali Yaale ee Balcad sanadka markii uu ahaa 1975.
Malaaqa cusub ayaa 10-kii sano ee ugu dambeeyey ku maqnaa dalka dibadiisa, gaar ahaan dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu ka ahaa imam masaajid.
Malaaqaan maanta la duubay ayaa noqonaya malaaqii 11-aad waxaana xafladii maanta lagu duubay malaaqa dadkii ka hadlay ay ku booriyeen in uu noqdo mid hogaan wanaagsan la yimaada
Gebagebadii xaflada malaaqa cusub ayaa halkaasi ka duceeyay kadib markii la duubay oo la cabsiiyay caanihii loogu tala galay malaaqa.
Goobjoog News