Wararka ka imaanaya gobalka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu ku geeriyooday Sheekh Xasan Turki oo ka mid ahaa aas aasayaashii Xarakada Al-shabaab, iyo sidoo kale ururo kale oo islaami ah.
Sheekha ayaa mudooyinkii ugu dambeyay la sheegay in uu ku xanuunsanayay deegaanka Hargeysa Yareey oo ku dhaw degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe.
Geerida Sheekh Xasan Turki Waxaa xaqiijiyay Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere, balse ma aanu shaacin xanuunka uu u dhintay Sheekha.




From the comments