Marwada madaxweynaha Soomaaliya Sahro Cumar Xasan oo maanta ka hadlay kulan looga hadlayay imtixaanaadka shahaadiga ah ee ay dowladda qaadayso ayaa waalidiinta Soomaaliyeed ka codsatay in ay carruurtooda u ogolaadaan in ay imtixaankaasi galaan xili cabsi iyo cago jugleyn lagala kulmey ururka Alshabaab oo arrintaasi kasoo horjeedsatay.
Jawaahir Baarqab Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Benaadir oo ka hadashay kulanka ayaa xsutay in uu jiro isfaham la’aan u dhexeysa Wasaaradda iyo dalladaha, loona baahanyahay in caqabahaasi laga gudbo.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdiqaadir Nuur ayaa hoosta ka xariiqay in imtixaanka midka ah ee laga qaadayo ardayda dugsiyada sare uu yahay heshiis ay kor hore kala saxiixdeen Wasaarada iyo daladaha, waxaana uu ka hadlay muhiimadda uu ardayda u leeyahay.




From the comments