Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyadda Nigeria Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Fedraalka Nigeria Mudane Muhammadu Buhari.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xirriirka labada dal iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya uu warbixin ka siiyey dhiggiisa xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.
” Dowladdaha Soomaaliya iyo Nijeria waxyaalo badan ayey wadaagaan, waxaa ka mid ah Kooxaha Al Shabaab iyo Boko Haram oo iska mid ah mabda’a iyo ficilada xun-xun ee ka fog beniaadamnimadda, labada dowladdood arrimaas wa ay iska kaashan doonaan” ayuu yiri Madaxweynaha.





From the comments