Markabkii lagu waday in uu aado Yemen si uu usoo daabulo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Yemen ayaa maanta kusoo xirtay magaalada Muqdishu.
Munaasabadda lagu soo bandhigay Markabka waxaa kasoo qeybgalay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta, Sahra Maxamed Cali Samatar Wasiiradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha iyo Nuur Faarax Xirsi Wasiiradda Dekedaha & Gaadiidka Badda.
Waxaa kaloo kasoo qeyb galay Mas’uul Jubba Training oo shirkadda ku tabarucday Markabka, mas’uul u hadlay shirkadda ayaa sheegay in markabka uu dadka Soomaalida ah geyn doono magaalooyinka Berbera, Muqdishu, Boosaaso iyo Jabuuti.








From the comments