Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa gaaray degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud, iyadoo halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga Ra’iisul wasaaraha waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan Labada gole ee dowladda, waxaana intaasi ka dib loo galbiyay xarunta la doonayo in lagu qabto munaasabadda furitaanka wejiga Labaad ee shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Galgaduud.
Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa la filayaa in halkaasi uu ka jeediyo Khudbad, kuna dhawaaqo in uu furan yahay wejiga Labaad ee shirkaasi.




From the comments