Wasiirka dib u dejinta maamulka Koonfur Galbeed Axmed Sheekh Maxamed ayaa ka hadlay dadka Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen iyo sida ugu haboon ee dadkaasi loo caawin karo.
Waxa uu sheegay in marka hore ay ka maamul ahaan aad uga danaqanayaan dhibaatada haysa shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyay bulshada Soomaaliyeed in ay kaalin ka qaataan dib usoo celinta dadkaasi.
Ka maamul ahaan ayuu sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii ay dadkaasi wax ugu qaban lahaayeen, hadii ay ahaan lahayd ka qeybqaadashada dib u dejintooda, u qeylo dhaaminta caalamka iyo arrimo kale.




From the comments