Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalada Dhexe ayaa ugu baaqay maamulka Puntland iyo Somaliland in ay sii xoojiyaan dadaallada ay kusoo dhaweynaa shacabka Soomaaliyeed ee kasoo cararaya dagaallada ka socda Yemen.
Gudoomiyaha Seddaxda gole ee Ahlu-sunna Sheekh Ibraahim Xasan Guureeye ayaa u sheegay Goobjoog News, in maanta ay tahay maalintii ay shacabka Soomaaliyeed isku gargaari lahaayeen, loogana baahan yahay maamulada Puntland iyo Somaliland in dadaalkooda ay xoojiyaan.
“Puntland kaalin wanaagsan bay ciyaartay Somaliland iyana waanu ka fileynaa midaasi oo kale in ay sameyso, Shacabkeena iyaga ayaa dhibban, dagaallo ayaa dushooda ku socda haloo gurmado” ayuu yiri Guureeye.




From the comments