Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegayaa in saaka ay la wareegeen deegaanka Tooratoorow oo ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Xarakada Al-shabaab.
Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo la hadlay Raadiyaha dowladda ayaa sheegay in ciidamada ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaankaasi.
Waxa uu abaanduulaha tilmaamay in ciidamada aanay iska horimaad kala kulmin Al-shabaab, shacabkana ay soo dhaweeyeen ciidanka xooga dalka iyo kuwa AMISOM.




From the comments