U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Sudan

Juun 2, 2015

Madaxweynaha Jamhriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Sudan Mudane Cumar Xasan al-Bashiir.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Al Bashiir guushii uu ka gaaray doorashadii dhowaan ka dhacday dalkan Sudan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo Sudan. sidoo kale labadda hoggaamiye ayaa ka wadahadley xaaladaha labada dal, iyadoo Madaxweynaha Sudan uu ballan-qaaday kordhinta tageeradda dhinacyadda kala duwan ee dowladdiisu siiso Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Sudan sida ay u garab taagan yihiin ummadda Soomaaliyeed.

-DHAMMAAD-