Shir ay maanta isugu yimaadeen daladaha waxbarashada oo 12 dhan ayay kasoo saareen warsaxaafadeed ay faahfaahin kaga bixiyeen imtixaanaadkii dugsiyada hoose dhexe iyo sare ee qabsoomey, iyo waliba aragtidooda ku wajahan go’aanka dowladda ee ah in ay qaaddo imtixaam.
Ugu horeyn warsaxaafadeedka ayaa lagu faahfaahiyey tirakoobka iskuulaadka, ardayda, iyo macalimiintaba
- Dugsiyada dalladaha hoos yimaada tiradoodu waa 817 oo isugu jira dugsiyo hoose/ dhexe iyo kuwa sare
- Ardeyda wax ka barata dugsiyadani waxa ay dhanyihiin 287,000 (Labo boqol sideetan iyo todobo kun oo arday)
- Waxaa imtixaamka u fariisatay 17,254 (todobo iyo tobon kun , labo boqol iyo konton iyo afar arday) oo dugsiyada sare Ardeyda sida bilaashka ama lacag la’aanta ah wax oga baratay waa ah 27,400 (labaatan iyo todobo kun, iyo afar boqol oo arday.
- Macalimiinta ka hawlgasha dugsiyada hoos yimaada dalladaha waxbarashada waa 8175 (sideed kun, boqol todobaatan iyo shan) macalin, halka dadka kale ee ka shaqeeya ay dhanyihiin 8,170 (sideed kun boqol iyo todobaatan) qof.
Sida uu saxaafadda u akhriyey Cali Axmed Fiidoow oo u hadlay dalladaha, waxa ay dalladaha dowladda federaalka ku eedeynayaan in ay dhibaato ku heyso waxbarashada gaarka loo leeyahay.




From the comments