Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirahid Cali Sharmarek, waxaana shirka looga hadlay Amniga, Ansixinta xubin kamid noqonaysa Gudiga Madaxa Banaan ee Dastuurka, iyo Dhibaatooyin ka jira dhul xeebaadka Muqdisho,
Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Badda ayaa golaha uga warbixiyey dhibaatooyin sii kordhaya oo ka jira xeebaha magaalada Muqdisho. “Waxaa jira in dadka ku howlan dhismayaasha ay caadaysteen in Carada iyo dhagaxaaanta Jeyga ah ka gurtaan xeebta, taas oo keeni karta in Badu ay ku soo durugto magaalada, madaama caradii celin lahayd lagu hayo xaaluf ba’an, Wasaaradu waxay waday baaritaankaan in mudo ah, waxaa kale oo aan soo ogaanay in qashin faro badan lagu shubo badda oo ay ka mid yihiin dhiiga xoolaha, Bulaacadaha iyo qashinka laga qaado magaalada ku waas oo keeni karo caafimaad daro baahasan.” ayuu yiri Wasiirka Dekedaha Iyo Gadiidka Badda.
Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Gashaandhiga ayaa golaha uga warbixiyey guulihii ay ciidamada Dowladu ka soo hooyeen deegaamo hoostaga gobolka Shabeelada Hoose, Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka dowladda ay gacanta ku dhigeen deegaanka Toora-toorow, halkaas oo ahayd meelaha ay ka soo abaabuli jireen cadowgu weerarada ay ku soo qaadaan goobaha ay ciidamadu ka joogaan gobolka, sidoo kale wasiirka ayaa warbixin kooban ka siiyey golaha halka uu marayo isku dhafka ciidanka oo wasaaradda gaashaandhigu hormuud ka tahay.




From the comments