Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga qeybgalay
Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Uganda.
Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka Uganda oo lagu marti qaaday Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Afrika ayaa waxaa sanadkan uu ka gedisnaa sanadihii hore ayadoo goobtana lagu soo
bandhigay Baarlamaanka 9aad ee Uganda mudadii uu jiray, waxyaabaha u qabsoomay iyo halka uu hiigsanayo.
Madaxweynaha dalka Uganda Uweri Museveni oo goobta ka jeediyey khudbad dheer ayaa waxa uu ka hadlay hormarka dalkiisa uu gaaray iyo dagaalka ay dalalka gobolka geeska afrika kula jiraan Al-Shabaab oo uu tilmaamay in Uganda ay si aad ah uga feejigan tahay xiligan weerarro uga yimaada dhanka argigixisada, sidoo kalena waxa uu xusay in Dowladda Uganda ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah
Al-Shabaab.





From the comments