Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey guddigii dhowaan xukuumadda u magacawdey xalinta tabashooyinkii ka dhashey dhismaha baarlamanka maamulka KMG ee Jubba inay dardar geliyaan hawshooda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cumar Sharma’arke ay horey maamulka Jubba uga wadahadleen xalinta tabashooyinka jira, la iskuna afgartey dhismaha guddi heer wasiirro ah, si ay u guda galaan qaabka ugu wanaagsan ee beelaha wada dega Jubbooyinka loo qancin lahaa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanayaa colaado sokeeye, looga baahan yahay shacabkeeda inay la yimaadaan isku tanaasul iyo wadahadal si loo unko mustaqbal cusub oo ka duwan kii hore.




From the comments