Markab dhawaan uu ku yaboohay ganacsade Soomaaliyeed si loogu soo badbaadiyo muwaadiniinta Soomaalida ee ku dhibban Yemen, ayaa wararka waxa ay sheegeen in maalmo ka dib Markabka uu galay Biyaha dalkaasi, safar dheer ka dib.
Wariyayaasheen Maxamed Salaad Cismaan Iyo Aweys Xaaji Nuur Aar oo Markabkaan la socda ayaa saaka soo sheegay in Yemen Biyaheeda ay galeen, islamarkaana saacadaha soo aadan ay ku xiran doonaan Dekadda La qorsheeyay in dadka laga qaado.
Markabkaan ayaa ah mid aad u weyn, waxaa la socda wariyaal ka tirsan Goobjoog News, dhaqaatiir, waxaana sahay ahaan la saaray raashiin, Dawo, Joodariyaal, Biyo, kuwaasi oo loogu tala galay in shacabka la siiyo mudada ay safarka soo yihiin.




From the comments