Wafti uu hoggaaminayo wasiirka amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo shalay gaaray magaalada Baladweyne ayaa halkaasi ka shaaciyey in dowladda federaalka ay la wareegtey mas’uuliyadda socodsiinta shirka dib u heshiisiinta gobolka Hiiraan.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya illaa 9 beelood oo dega gobolka Hiiraan, wuxuuna soo socdey muddo labo bilood ah , wixii hadda ka dambeeyana waxaa qarashkiisa iyo fududeyntiisa la wareegeegtey dowladda federaalka.
Dhanka kale odayaal ka hadlay shirka ayaa wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ee halkaasi joogey ka codsaday in ay wax ka qabtaan dhibaato ay sheegeen in ay ku hayaan ciidamada booliiska gaarka ee Itoobiya ee loo yaqaano Liyuu, kuwaasi oo ay sheegeen in ay gaboodfal ka geysteen deegaanka Deefoow oo ay beelo ku dagaalamayaan.




From the comments