Wasiirka batroolka iyo macdanta dowladda federaalka Maxamed Muktaar ayaa oo ka hadlay arrimaha maacdantaa ayaa sheegey in Soomaaliya ay wadahadal la gashay wakaaladda hubka nuyuukleerka ee Qaramada Midoobey ee IAEA si macdanta Yuraaniyuumka (Uranium) oo hubka halista ah lagu sameyn karo aysan gacanta u galin dad dambiilayaal ah, kadibna ay isku afgarteen in hawl laga galo.
Wasiirka oo la hadlayay taleefishinka Universal ayaa sidoo sheegeyin dowladda ay wadahadal la gashay hey’adda UNDP taasi oo uu wasiirka sheegey in ay heyso xogta ku saabsan macdanta ku jirta Soomaaliya maadaamaa intii u dhaxaysay 1965-tii illaa 1975-tii ay hey’addani dalka ka qabatay hawlo baaris iyo sahan ah, dowladdana dooneyso in xogtaasi lagu wareejiyo.
Waxyaabaha ay dowladda ku hawlantahay ee kale ayaa waxaa ka mid ah sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa sharcigii macdanta ee 1984-tii la qorey, loona waafajin lahaa duruufaha dalka ka jira hadda.




From the comments