Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca Sheekh Ibraahim Guureeye, kana mid ahaa saxiixayaasha shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa isaga oo Cadaado ku sugan Goobjoog News u sheegey in ay ka baxayaan shirka 24-ka saac ee soo socda.
“Waan ka tagaynaaa, sababtana waxa ay tahay wax ka socda oo loo mideysanyahay ma jiraan, Ahlu Sunna iyo beelaha qaarkoodba kuma qanacsana, Cadaadana waan ka tageynaa 24-ka saac ee soo socda” ayuu yiri Sheekh Ibraahim.
Waxa uu eedda dusha ka saaray wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka “Wasiirka arrimaha gudaha waa wiil yar oo cusub oo hadda la keeney, marna aniga waxbo oga jawaabi mayo “, isaga oo intaasi raaciyey in dowladda aysan aqoonsanayn “Dowladaasi nama matasho, tii aan soo dhisanay ee Soomaalinimo iyo hankie aan u dhiseyna ma lahan, dowlad aan aqoonsanahay oo Soomaaliya ka dhaxeyso ma jirto”.




From the comments