Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari waxaa kusoo xirtay Markabka Nawaal 3 oo uu ku yaboohay Ganacsade Cabdi Faarax , kaasi oo dad Soomaaliyeed kasoo qaaday dalka Yemen.
Markabkaan ayaa maqribkii xalay soo gaaray Dekadda Magaalada Boosaaso, waxaana saaran dad tiro ahaan gaaraya 2-kun oo qof, kuwaasi oo ka mid ah Soomaalida Yemen ku dhibban.
Dadka Markabkaan uu keenay ayaa u badan Haween iyo Caruur, waxaana saaka la bilaabayaa dejintooda, ay xilli dambe yimaadeen.




From the comments