Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah gudoomiyaha Odayaasha soo xulay Ergooyinka ka qeybgalaya shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Galgaduud, ayaa sheegay in hadda ay soo dhisayaan maamul sal adag leh, kana duwan maamulada kale ee dalka ka dhismay.
Nabadoonka oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in marka hore la xalinayo wax walba oo kala tabasho ah, islamarkaana la dhisi doono Baarlamaanka maamulkaasi, laguna xejinayo doorashada gudoomiyaha baarlamaanka, ku xigeenadiisa, ka dibna lasoo dooran doono madaxweyne.
“Waxaan dhiseynaa Dowlad Gobaleed tiirar adag leh, waana midi ugu ficneeyd marka loo eego kuwa dalka laga dhisay, baarlamaanka ayaan isku keenaynaa, gudoomiyahooda ayeey dooranayaan, madaxweynaha ayeey sidoo kale dooran doonaan, sidaas ayaa dowlad xalaal ah ku imaanayso, waana arrin taariikhda geli doonto” ayuu yiri Nabadoon Xaad.




From the comments