U bood dhigaalka

Guddiga Badbaadinta Iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed Oo Lacag Ku Wareejiyay Guddiga Gurmadka Boosaaso

Sheeko:Dalka

Guddiga Badbaadinta iyo samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ayaa kumanaan doolar ku wareejiyay guddiga gurmadka qaxootiga Yemen ee ku sugan magaalada Boosaaso.

Lacagtaan ayaa gaaraysa 50 kun oo doolar, waxaana guddiga badbaadinta samatabixinta qaxootiga Soomaaliyeed ay lacagtaasi ugu talagaleen in wax loogu qabto dadkii dhawaan kasoo cararay Yemen ee ku sugan magaalada Boosaaso.

Sheekh Maxamed Macalin oo wakiil ka ahaa lacagta ay dhiibeen guddiga badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay lacagtaan, inta ay la egtahay iyo waxa lagu qabanayo.

“Lacag qadarkeedu dhan yahay 50-kun oo doolar ayaan ka haynaa guddiga badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed, waana lacag aan wax ugu qaban donno dadkaan Soomaaliyeed ee dhibban” ayuu yiri Sheekh Maxamed.

Dhinaca kale guddiga gurmadka ee ku sugan magaalada Boosaaso ayaa iyana dhankooda waxa ay guddigaasi ku amaanay sida ay xilka isaga saareen u gurmashada walaalahooda dhibban.

Guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ayaa fadhigooda waxa uu yahay magaalada Muqdisho, waxaana ay deeq lacageed ka uruuriyeen shacabka Soomaaliyeed si loo badbaadiyo walaalaha ku dhibban Yemen.

Goobjoog News ayaa markii ugu horeysay ka qeylo qaaday dhibaatada ay ku sugan yihiin Soomaalida Yemen, waxaana Idaacadda ay bilawday barnaamijka Gurmad iyo Gargaar si wax loogu qabto shacabkaasi, iyadoo mira dhalka arintaasi ay noqotay in shacabkii uu kaco, lana soo badbaadiyo kumanaan qof oo Soomaaliyeed, illaa iyo hadana dadaalkaasi uu socdo.

Goobjoog News