Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta uu ka socdo shir madaxeedka Midowga Afrika ee magaalada Johannesburg, kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuriyadda Midowdey ee Tanzania, Mudane Jakaya Mrisho Kikwete.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey dowladda Tanzania gacanta ay ka geysato dadaalka Midowga Afrika iyo beesha caalamka ee ku aaddan dib u dhiska Soomaaliya, isagoo dhanka kalena sheegay in Tanzania ay tusaale u tahay dalalka qaaradda Afrika, dhinacyada siyaasadda, xasiloonida iyo midnimada.
Madaxweynaha Tanzania, Jakaya Kikwete ayaa isna kulankaasi ka sheegay in dowladdiisa ay mar walba diyaar u tahay inay iskaashi dhinacyo badan la sameyso Soomaaliya, isagoo sidoo kale bogaadiyey horumarka siyaasadeed iyo nabadgelyo ee ay Soomaaliya ku tilaabsatey, colaadihii iyo dhibaatooyinkii dhacay kadib.




From the comments