Ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta waxaa tababar loogu soo xirayaa degmada Qansaxdheere ee gobalka Baay, halkaasi oo bilooyin badan tababar uga socday.
Magaaladaasi waxaa goor dhaw gaaray wafdi wasiiro ah oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo tababar usoo xiri doona ciidamadaan.
Wasiiradaan waxaa hogaaminaaya wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka ee maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Xasan, iyaga oo la hadli doona ciidamadaan.




From the comments