Goobjoog

War Degdeg ah: Qarax Ka Dhacay Afaafka Hoolka Shirka Cadaado iyo Khasaaro ka Dhashay

Sida uu xaqiijiyay Wariyaha Goobjoog News ee Cadaado Qarax weyn ayaa laga maqlay gudaha Hoolka Shirka iyo xaafadaha ku dhaw Magaalada Cadaado iyo is rasaaseyn halkaas ka socota. Qaraxa ayaa…

War Degdeg ah: Qarax Ka Dhacay Afaafka Hoolka Shirka Cadaado iyo Khasaaro ka Dhashay

Sida uu xaqiijiyay Wariyaha Goobjoog News ee Cadaado  Qarax  weyn ayaa laga maqlay gudaha Hoolka Shirka iyo xaafadaha ku dhaw Magaalada Cadaado iyo is rasaaseyn halkaas ka socota.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay Dibadda hoolka shirka, labo qof ayaa lagu soo waramayaa in laga dilay dadkii weerarka soo qaaday, lakin weli lama hubo khasaaraha guud.

Cadaado, Waxaa ka socda shir maamul loogu dhisay Galmudug, kaas oo haatan ku jira Wajigiisa labaad, Arbacadii ayaa ansixiyay Dastuurka Maamulka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments