U bood dhigaalka

Wasiirka Warfaafinta “Sharciga Saxaafadda Waxa uu Fasaxayaa 3 Nooc oo Warbaahin Ah”

Sheeko:Dalka

Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sharciga saxaafadda markii ugu horeysey ka hor akhriyey baarlamaanka Soomaaliya shalay oo arboxo ahayd, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey qodobada uu xambaarsanyahay sharciga.

Waxa uu sheegey in sharciga uu ka koobanyahay 31 qodob, islamarkaasina uu soo jiitamayay muddo 9 sano ah, isaguna ahaa wasiirkii bilaabay qorista sharciga markii uu ahaa wasiirka warfaafinta sanadkii 2006-da.

Maareeye ayaa sheegey in warbaahinta dalka qaar ay isticmaalaan hey’ado iyo dalal shisheeye, balse aysan jirin wax sharci ah oo xakameynaya.

“Sharciga waxa uu fasaxayaa 3 nooc oo warbaahin ah, koow waa warbaahinta qaranka, middi waa warbaahinta gaarka loo leeyahay, midda sedexaadna waa tan bulshada oo u adeegta sababo gaar ah sida warbaahin u shaqeysa dadka naafada ah ama wax la mid ah” ayuu yiri Maareeye oo intaasi ku daray in ay lagama maarmaan tahay in la helo sharci sheegaya dhaqan iyo diin ahaan waxa ka reebban ama loo ogolyahay warbaahinta.

Dhanka kale sharciga saxaafadda ayaa waxaa ka jira cabashooyin ay ka qabaan ururada saxafiyiinta , iyada oo qodobka ugu weyn ee walwalka laga qabo uu yahay kan saxafiyiinta ku qasbaya in ay sheegaan cidda ay xogta ka heleen, balse waxaa la filayaa in xildhibaanada ay turxaan bixiyaan waxa ka qaldan sharciga.

Goobjoog News