Waxaa maanta magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud lagu soo gabagabeeyay Imtixaanka Dugsiyada sare ee Mideysan, kaasi oo ay qaadeysay wasaaradda waxbarashada dowladda Federaalka ah.
Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed Baarleex ayaa soo xiray Imtixaanka Mideysan ee magaalada Cadaado, iyadoo Imtixaankani ay u fariisteen arday badan.
Baarleex ayaa sheegay in ay tallaabo wanaagsan tahay hanaanka uu usoo xirmay Imtixaankaan, waxaana uu u mahadceliyay Kormeerayaasha halkaasi ku sugnaa.





From the comments