Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal dhex maray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Geedweyne oo ku yaalla duleedka degmada Doolow ee gobalka Gedo.
Ciidamo ka mid ah Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen habeenkii xalay ahaa deegaankaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Federaalka.
Inkastoo aan la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay, ayaa hadana wararka waxa ay sheegayaan in la’isku adeegsaday rasaas xoogan.




From the comments