Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah waxgaradka ka qeybgalaya shirka ka socda magaalada Cadaado ee lagu soo dhisayo maamulka Galmudug ayaa sheegay in xilligaan shirka uu u socdo qaab habsami ah.
Nabadoonka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in shirkaan hadda uu galay wejigii lagu keeni lahaa xildhibaanada baarlamaanka Galmudug, islamarkaana, lasii wadayo howlaha kale ee ka harsan dhismaha maamulkaasi.
Sidoo kale Nabadoon Xaad ayaa sheegay in weerarkii shalay lagu soo qaaday magaalada Cadaado gaar ahaan halka shirka uu ka socdo aanu waxba u dhimi doonin shirkooda.




From the comments