Wararka laga helayo degmada Saakow ee gobalka Jubada Dhexe ayaa ku waramaya in hawada ay ka maqan tahay ku dhawaad 24-saac, isgaarsiintii demadaasi.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in Xarakada Al-shabaab ay damiyeen Isgaarsiinta degmadaasi, iyadoo sababta aan la ogeyn.
Shalay gelinkii hore ayaa lagu amray shirkadaha halkasi ka shaqeeya in ay hawada ka saaraan Isgaarsiinta, iyadoo shirkadaha ay amarkaasi u hogaansameen.




From the comments