Maxkamad ku taallo Jarmalka ayaa maanta oo isniin ah go’aan ka gaari doonta dalab uga yimid dalka Masar oo ah in dalkaas loo soo gacan galiyo Wariyaha Aljazeera Axmed Mansuur.
Afhayeen u hadlay Xeer Ilaaliyaha dalka Jarmalka ayaa Axaddii sheegay in Mansuur oo haatan ku xiran Airortiga loo gudbin doono xabsiga ku yaalo gudaha Berlin.
Axmed Mansuur oo Aljazeera ka shaqeynayey qeybteeda Carabiga ilaa 1996-dii, waxaa ay Maxkamad Masaari ku xukuntay 15 sano oo xarig ah kadib marlii lagu eedeeyay in uu jir dilay Abuukaate intii lagu jiray Kacdoonkii dalka Masar ka dhacay 2011-kii ee lagu riday Xusni Mubaarak.




From the comments