Waxaa goordhaweyd la dhaariyey in ka badan 60 xildhibaan oo ka mid noqonaya baarlamaanka Galmudug State ee shirka lagu sameynayo uu wali ka socdo magaalada Cadaado.
Xaflad balaaran oo ka dhacday hoolka shirarka Cadaado ayaa waxaa kasoo qeybgalay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdiraxmaan Odawaa iyo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah Cabdiraxmaan Ceynte iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad iyo saraakiil kale oo dowladeed.
Prof. Jawaari oo ka hadlay munaasabadda ayaa bogaadiyey sida hufnaanta ah ee lagu dhisey baarlamaanka, laguna soo xuley xildhibaanada, isaga oo ku tilmaamay in maamulkani uu yahay kii ugu wanaagsanaa oo ay Soomaali dhisato, islamarkaasina iyagu ay hormuud ka ahaayeen.




From the comments