Maamulka demada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa digniin u diray shaqsiyaad ay sheegeen in ay ku howlan yihiin sameynta warqado aan sharci ahayn kuna saabsan lahaanshiyaha dhulalka.
Cumar Muxudiin Muuse oo ah xoghayaha dowladda hoose ee degmada Afgooye ayaa sheegay in ay ka war heleen warqado cadeyn guri aan sharci ahayn kuwaasi oo loo sameeyay guryaha qaar ee degmadaasi.
Waxa uu sheegay Xoghayaha in ay sameeyeen warqadahaasi maamulkii hore ee degmada Afgooye, isaga oo tilmaamay in aysan sharci ahayn, iyaguna aanay bixin karin dhul dowlad ama wax la mid ah.




From the comments