Todobada Fiidnimo ee Caawa ayaa lagu wadaa in dekadda Magaalada Mukalah ee Dalka Yeman uu ku xirto Markabka Nawaal 3, kaas oo mar kale Dalka Yeman ka soo qaadi doono Soomaali halkaasi ku go’doonsan.
Mowjadaha Badda oo kacsan ayaa sababay in xawaaraha Markabka uu ku socday la yareeyo, taas oo dib u dhigtay saacadii loogu tala galay in Markabka uu ku xirto Dekada Mukallah.
Wariyaasha Goobjoog FM Maxamed Salaad cusmaan iyo Away Xaaji Nuur ayaa dul saaran Markabka Nawaal Sadax waana socodkii Labaad oo ay ku tagayaan Mukallah, ka dib markii Markabka ay ka raaceen Muqdisho, dadkii ugu horeeyayna laga soo qaaday halkaasi.




From the comments