Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur Hantiyeed isugu jira.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkaasi ay si adag u cambaareynayaan, islamarkaana waxa uu ku sheegay mid lagu curyaaminayo shacabka Soomaaliyeed.
“ Waxaan ereyada ugu adag ku cambaareynayaa falalkaasi, ummadda Soomaaliyeed waxaan leenahay kooxaha idin ma rabaan farxad, dabaal deg , nolal iyo nabadba idin, marka waa in meel looga soo wada jeystaa, waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degan magaalada Muqdisho in ay u istaagaan nabadda iyo taageerida dowladda Soomaaliya” ayuu yiri wasiir Maareeye




From the comments