Taliyaha booliiska Jeneraal Maxamed Xasan Xaamud ayaa sheegey in diiwaangalinta shaqaalaha shirkadaha gaarka loo leeyahay ay muhiim u tahay sugista amniga guud, ayna taasi keeneyso in la ogaan karo dadka meelaha ay u kala shaqeeyaan iyo waxyaabaha ay magaalada ka qabtaan.
Waxa uu ka hadlayay madal looga hadlayay biloowga diiwaangalinta shaqaalaha gaarka ah , hawshaasi oo ay biloowdey wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.
Isu imaatin lagu qabtay xarunta wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa ka qayb galay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada mudane Cabdi wali Muudey wasiir ku xigeenka wasaaradaas mudane Cismaan libaax Ibraahim iyo taliyaasha ciidamada Booliska iyo Nabad sugida waxaana looga hadlayay sida ay muhiimka u tahay in la diiwaan galiyo dhamaan shaqaalaha ka howl gala shirkadaha gaarka .




From the comments