Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta shir gudoomiyey kulan ay ka soo qayb galeen Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Cadaalada, Wasiirada Haweenka, Wasiirada Waxbarashada, Wasiirada Caafimaadka, Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha, iyo Wasiir ku xigeenka Kaluumaysiga, iyo Ergo ka socotay Midowga Yurub, waxaana kulanka looga hadlay sidii Soomaaliya gacanteeda loogu soo celin lahaa mashaariicda ay bixiyaan dowladaha midowga yurub, mashaariicdaas oo 25-kii sano ee la soo dhaafay la soo marsiin jiray saxiixooda iyo qorshayntooda wakiilka markaas u fadhiya Soomaaliya Midowga Yurub.
Ugu horayntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in talaabadaan Dowladda Soomaaliya ay maamulayso deeqaha ay bixiyaan Midowga Yurub ay muhiimad gaar ah u ledahay, isla markaana ay sii xoojinayso xririikii ka dhexeeyey dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
“Mashaariicada 25 sano ee lasoo dhaafay waxaa noo saxiixaya markasta wakiilka Soomaaliya u u qaabilsan Midowga Yurub, waxaa hada socda tababro ay qaadanayaa khabiiro ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta, waxana rajaynaynaa in sanadkaan dhamaadkiisa aan dhaqaalaha Midowga Yurub u qoondeeyey Soomaaliya in gacanta dowladda toos loogu soo wareejiyo, iyadoo markii hore la soo marsiin jiray Hay’adaha Qaramad Midoobay iyo World Bank, balse hada kadib dhaqaalahaas oo gaaraya 286 milyan Eoro, waxaa toos loogu soo shubayaa Wasaarada Maaliyadda ” ayuu yiri Ra’iisul W. Ku xigeenka.




From the comments