Maamulka Gobalka Nugaal Ee Puntland Oo Ka Warbixiyay Dagaal Ka Dhacay Garoowe

Gudoomiyaha gobalka Nugaal Cabdullaahi Ciise Aw Axmed ayaa ka hadlay dagaal shalay ka dhacay magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal, kaasi oo ay ka dambeeyeen saraakiil xilka laga qaaday.
Waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid aan aad u weyneen, hase ahaatee ay aad uga xunyihiin wax walba oo dhacay, isaga oo sheegay in dagaalka uu ahaa mid mas’uuliyad darro ah.
“Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ayaa socday, laakiinse waxaa xabado riday ciidamo ay hogaaminayeen saraakiil horay xilalka looga qaaday, iyagana tallaab ayaan ka qaadeynaa” ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin Amni daro hor leh oo laga sameeyo Magaalada Garoowe oo uu tilmaamay in ay tahay meel nabad ah.
“Anaga uma dul qaadan donno cid walba waxa ay doonto ha ahaatee magaalada amni xumi ka abuureysa, waxaan sheegaynaa in tallaab laga qaadi doono hadii mar kale ay dhacdo in magaalada dhexdeeda rasaas laga dhex tuuro, mida kale waxaan ka raali gelinaynaa shacabka, hay’adaha iyo dadka martida ku ah magaalada rasaastii ay maqleen, waxaana mar kale u xaqiijinayaa in aysan cidna ku waxyeeloobin” ayuu yiri Gudoomiyaha gobalka Nugaal.
Shalay ayaa magaalada Garoowe oo dhan waxaa ka wada qabsaday rasaas dad badan ay ka argagaxeen, hase ahaatee waxaa la sheegay in saraakiil xilal laga qaaday ay ka dambeeyeen, ka dib is hortaag ay ku sameeyeen howlgallo ay ciidamada ammaanka Puntland sameyn lahaayeen.
Goobjoog News