Mid kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in qof walba oo uu afuriyo dadka aan awoodin in ay helaan wax ay ku afuraan, gaar ahaan kuwa hadda ka yimid Yemen ee aan haysan deegaan iyo cunto midna.
Sheekh Sayid Sheekh Abba Cali Sheekh Cali Maye oo kamid ah culumada Soomaaliyeed ayaa mar uu u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in loo baahan yahay walaalaha ka imaanaya Yemen in la saacido si naxariista Alle loo helo maadaama Ramadaanku yahay bil barako.
Waxa uu tilmaamay Sheekha in qof walba uu isku dayo inuu qof kale afuriyo si aynaan dadkaasi u dareemin dhibaatada haysata.




From the comments