Ergayga-gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa si aad ah u cambaareeyay weerakii shalay lagu qaaday baabuurtii kolonyada aheedd ee waday saraakiil ka socotay Imaaraadka Carabta, taas oo sababtay in ay dhintaan tiro dad ah.
“Waxaan si aad ah u cambaaraynayaa weerkii fool-xumada iyo naxdinta lahaa ee lagu qaaday maanta dad rayid ah iyo saraakiil ka socota caalamka oo ay ka go’need ka shaqaynta iyo kaalmaynta nabad iyo qaran dhisida Soomaaliya”, ayuu yiri Ergayga Gaarka ah, Nikolas Kay.
“Weerarka waxaa loola jeeday in dadka ka socda caalamka laga leexiyo ama laga joojiyo kaalmaynta ay kaalmaynayaan Soomaaliya si ay u hesho mustaqbal wanaagsan, hase ahaatee Argagixisadu ma gaarayso ujeedadaas.”




From the comments