Waxaa maanta oo ah maalin sabti ah lagu wadaa in magaalada Cadaado ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ee baarlamaanka maamulka Galmudug oo bishan 22-deedii lagu dhaariyey halkaasi.
Sida ku cad jadwal ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka 21-dii bishan, guddoonka baarlamaanka Galmudug ayay tahay in la doorto 27-da bisha June oo maanta ku beegan.
Baarlamaanka oo ka kooban 89 xildhibaan ayaa waxaa horey xilkooda loogu dhaariyey illaa 68 xildhibaan, shalayna waxaa la dhaariyey 14 kale, taasi oo tirada ka dhigeysa 82 xildhibaan, iyada oo maantana la filayo in qeyb kale la dhaariyo.




From the comments