Waxaa goor dhaw xarunta madaxtooyada Ximan iyo Xeeb ka bilaabatay u codeynta musharraxiinta u taagan xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, ka dib markii musharraxiinta ay dhameeyeen khudbadihii ay jeedinayeen.
Xildhibaanada magacyadooda ayaa la yeerinayaa si ay u codeeyaan, waxaana howlka ku sugan dhamman mudanayaasha baarlamaanka Galmudug.
Codeynta waa mid qarsoodi ah, waxaana xildhibaanka markii magaciisa la yeeriyo uu meel gaar ah la tagayaa warqadda la siiyo ee codeynta, isaga oo intaasi ka dib u codeyn doona musharraxa uu codkiisa siinayo.




From the comments