Prof. Yaxye Cali Ibrahim oo ah hormuudka mid ka mid ah xarumaha tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ku tilmaamay mid xalaal ah, sidii la rabayna u dhacday, tusaale wanaagsana u noqon karta maamulada soo socda.
“Waxaa la dhihi karaa 11 qabiil oo wada dega goboladaasi ayaa si wadajir ah waxa ay u sameysteen maamul ay u wada dhanyihiin, dabcan eedo iyo daldaloolo waa iska jiraayaan marwalba, balse waxaa la dhihi karaa sida dastuurka KMG ah uu qabo, mabaa’diidiisa federaalism-ka ama hoos u dajinta maamulka waxaad mooddaa in habkii ugu suurogalsanaa in ay tahay, uguna xalaaleysnaa inta hadda Soomaaliya laga ogyahay ” ayuu yiri aqoonyahankani oo hormuud ka ah jaamacadda SIU.
Waxa uu farta ku fiiqey in aysan jirin cid si gaar ah u maroorsatay awoodda, dadkuna ay heysteen fursado isku wada mid ah “Qofna waa ku amar taagleyn waayay, qofna waa uu maroorsan waayay, sidaas ayay dadka oo dhan indhaha ugu wada hayen, waana meesha aan isleenahay waa looga dayan karaa in lagu soo dhiso maamulada soo socda iyo kuwa hadda jira ee KMG ahna dib inta loogu noqdo sidaas oo kale wax loosoo dhiso”.




From the comments