Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay toos uga bilaabatay doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo ku xigeenadiisa.
Doorashada ayaa u dhici doonta qaab cod qarsoodi ah waxaana ay ka socotaa madaxtooyada Ximan Iyo Xeeb, hase ahaatee waxaa hadda bilawday qudbahada ay jeedinayaan musharraxiinta u taagan xilalka gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.
Musharraxiinta waxa ay u sharaxayaan xildhibaanada Galmudug wax qabadkooda hadii ay helaan xilalka ay u tartamayaan.




From the comments