Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Khaatumo ayaa hambalyeeyey doorashada guddoomiyaha maamul goboleedka cusub ee Galmudug Cali Gacal Casir oo shalay lagu doortey magaalada Cadaado.
Maxamuud Sheekh oo la hadlayay Goobjoog News ayaa yiri “Aniga oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Khaatumo waxaan hambalyo iyo bogaadin usoo jeedinayaa guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug, ee maanta loo doortey mudane Cali Gacal Casir, waxaanan illaahay oga baryayaa in uu u fududeeyo xilka cusub ee loo doortey”.
Mudane Maxamuud ayaa guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug kula dardaarmay in uu caddaalad ku dhaqmo, dadkana si siman u hoggaamiyo. Waxa kale oo uu xusuusiyey in uusan hilmaamin midnimada dadka Soomaaliyeed iyo tan dadka reer Galmudug.




From the comments