Maamulka Khaatumo State ayaa been abuur ku sheegay in ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland ay ku dagaallameen deegaanno ka mid ah gobalka Sool.
Gudoomiyaha baarlamaanka Maamulkaasi Maxamuud Sheekh Cumar oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in aanay jirin dagaal Labadaasi dhinac ku dhexmaray Sool, waxaana uu tilmaamay in Labadaasi maamul aanay jirin meel ay ka taliyaan.
“Idaacadaha wey ka sheegan karaan laakiinse deegaanno ay maamulaan ma jirto, dhulka waa dhul Khaatumo, cidda aad rabtaan weydiiya, Labadaasi maamul kuma dagaallamin dhulkeena, waxaana idiin sheegayaa anaga in aan meelo badan ku sugannahay cid nagu soo xadgudbi kartaa malahan” ayuu yiri Gudoomiyaha baarlamaanka Khaatumo.




From the comments