Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan gobalada Mudug iyo Galgaduud ayaa soo dhaweeyay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud, taasi oo lagu doortay gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo ku xigeenadiisa.
Shacabkaan qaarkood oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ay aad ugu farxeen hanaanka loo qabtay doorashada, islamarkaana ay muujinayso in shacabka Galmudug ay tashteen.
Sidoo kale waxa ay sheegeen dadkani in ay ku haminayaan doorashada madaxweynaha Galmudug in ay u dhacdo qaab kasii sareysa hanaankii shalay wax loo doortay.




From the comments