Magaalada Leego oo maalintii jimcihii dagaal ba’an ay kula wareegeen dagaalyahanada Alshabaab, islamarkaasina qasaare xooggan ay ku gaarsiiyeen ciidamada AMISOM ayaa waxaa hadda dib ugu laabtay ciidamada dowladda iyo kuwa midoowga Afrika.
Sargaal u hadlay AMISOM ayaa sheegey in markii ay la wareegayaan magaalada ay qabsadeen saanad raashiin oo Alshabaab ay meesha kaga tageen.
Guddoomiyaha Shabeelada Hoose ee dowladda Cabdiqaadir Siidii oo hadlayna waxa uu sheegey in aysan ku ekaanin magaalada oo illaa dhanka miyiga ay oga daba tageen Alshabaab.




From the comments